Sign in to follow this  
Deeq A.

Tahriibayaal ay Miino kula kacday gabolka Awdal

Recommended Posts

Deeq A.   

Lug haye (Puntlandi) Tahriibayaal ka tagay gobolada Somaliland, ayaa lagusoo warramayaa inay Miino kula qaraxday degmada Lug-haye ee gobolka Awdal, sida ay sheegeen masuuliyiin la hadlay warbaahinta.

Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday in gaari ay la socdeen Tahriibayaashu ay Miinadu la kacday, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 20 kamid ah dadkaan, ma jiraan wax dhimasho ah.

Booliiska gobolka Awdal ayaa la sheegay inay u gurmadeen dadkaan, iyadoo sidoo kale gacanta ku dhigay kuwii ka badbaaday halka qaar kalena ay baxsadeen.

Tahriibayaasha ayaa isugu jiray rag iyo dumar waxay u socdeen dalka Yemen ee colaaduhu aafeyeen, iyagoo doonayay inay halkaas ugasii gudbeen Dalka Suudaan, kadibna Libya.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this