Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin kasaaharaha kadhashay gaari xamuul ah ay saarnaayeen dhallinyaro tahriib u socday oo ay miino kula qaraxday .

Recommended Posts

Deeq A.   

Awdal-(Caasimadda Online)-Gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen dhalinyaro usocotay tahriib ayaa miino kula kacday degaanka Lughaya ee Gobolka Awdal.

Axadii lasoo dhaafay ayay ahad markii Dhallinyaro ka kalayimid Magaalooyinka Hargeysa,Burco Boorama iyo goobo kale oo ka mid ah Maamulka Somaliland ayey miino kula qaraxday degaanka Lughaya ee Gobolka Awdal.

Guddoomiye ku xigeenka Degaanka Lugahaya ee Gobolka Awdal Cumar Maxamed Dhimbiil ayaa sheegay in Miinadaasi ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah dhallinyaradii gaariga la socotay balse khasaare nafeed oo kale uusan ka dhalan.

Waxaa uu sheegay in Gaari weyn oo ay Dhallinyarada la socdeen ay Miinada qabsatay iyada oo maamulka degaanka ay qaar ka mid ah dhallinyaradaas gacanta ku dhigeen.

Waxaa uu xusay in Dhallinyarada oo u tahriibaysay dalka Yemen ay gaarayeen 40 Qof islamarkaana 15 ka mid ah ay qabteen kuwaas oo dhaawac iyo kuwo bad qaba isugu jira.

Cumar waxaa uu sheegay in 25 ka mid ah dhallinyarada ay ku baxsadeen doontii ay markii horeba doonayeen in ay ku tahriibaan,taas oo ula carartay dhinaca xeebaha Dalka Yemen oo uu ku wajahan yahay Tahriibkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Faahfaahin kasaaharaha kadhashay gaari xamuul ah ay saarnaayeen dhallinyaro tahriib u socday oo ay miino kula qaraxday . appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this