Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Geelle oo qarxiyay arrin ku saabsan sida Warbaahinta Madaxa-banaan ay uga qeybqaatan awood siinta Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka al-Shabaabka Somalia ay garab xoogan ka helaan Warbaahinta madaxa-banaan.

Madaxweyne Geelle oo bixinaayay wareysi gaar ah ayaa cod dheer ku sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay leeyihiin awoodo muuqda oo aan laga hortagi Karin.

Waxa uu Madaxweyne Geelle sheegay in maleeshiyaadka aan laga guuleysan Karin inta ay garabka ka heystaan Warbaahinta Madaxa-banaan.

Madaxweyne Geelle, waxa uu cadeeyay in Warbaahinta madaxa-banaan aysan qeyb ka aheyn dagaalka lagula jiro maleeshiyaadka al-Shabaab, waxa uuna ku eedeeyay inay garab dadban siiyaan.

Gelle ayaa warbaahinta madaxa bananaan ku eedeeyay inaysan ku jirin dagaalka ka dhanka ah waxa reer galbeedka ay ugu yeeraan argigixisada, waxaa uu tilmaamay in warbaahinta ay ka soo muuqdaan al-shabaab oo wata dareys qurxoon iyo hub badan taasi oo dadka ku abuureysa cabsi iyo argagax.

‘’U fiirso warbaahinta madaxa-banaan waxa ay buun-buunineysaa dagaalka ay qaadan shabaabka, waxa ay si muuqata usoo saraan awoodo aysan laheyn argagixisada Somalia iyo kuwa heerka caalami ah’’

‘’Waxaad moodaa inay la shaqeeyan waxaa cadeyn ah in warbaahinta madaxa-banaan aysan buun-buunin nabada iyo horumarada, balse ay aad uga sheekeeyan Shabaabka iyo argagixisada kale’’

Waxaa uu intaasi ku daray in ciidanka dowladda Somalia aysan heli Karin rasaasta qoryaha, waxa uuna arrin layaab ah ku sheegay sababta ay Saxaafada madaxa-banaan uga shaqeyso burburka dal dhisan.

Haddalkan ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle uu ka mid yahay madaxda Saameynta ku leh ammaanka Soomaaliya waxayna ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Madaxweyne Geelle oo qarxiyay arrin ku saabsan sida Warbaahinta Madaxa-banaan ay uga qeybqaatan awood siinta Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this