Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muqdisho oo lagu qabtay Rag ku shaqeysanaayay qaab ku cusub shacabka  

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka dowlada ayaa gacanta ku dhigay Rag ku shaqaysan jiray kaarar been abuur ah oo lagu dhici jiray shacabka.

Ciidamadan ayaa ragaan labada ah ku wareejiyay Maamulka Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir,waxaana lasoo sheegayaa in ragaani ay ka tirsanaayen shabakad ku shaqeysan jirtay dhaca.

Maamulka Degmada Kaxda ayaa soo bandhigay labadaan ruux iyo Kaarar been abuur ah oo ay ku shaqeysan jireen.

Labadan nin oo lala soo qabtay gaari NOAH ahaa, ayaa lagu eedeeyay inay dadka barakacayaasha ee ku nool Degmada Kaxda u qaybinayeen kaararkaasi, iyagoo markaasi lacago kaga qaadanayay.

Gudoomiyaha Degmada Kaxda, Maxamed Ismaaciil C/laahi, ayaa sheegay in muddo dheer lagu daba joogay raggan, ugu dambeena ay suurtagashay in gacanta lagu soo dhigo.

Maxamed Ismaaciil C/laahi, ayaa sheegay in ragaasi loo gudbinaayo Maxkamada, isla markaana laga abaalmarin doono falka dhaca ah oo ay ku geysteen Kaararka.

1516680644-7944907575a66b5c4ba02b-Kaxda.jpg?w=696

1516680651-5005535885a66b5cb97abb-Kaxda2.jpg?w=696

1516680655-18395983485a66b5cfdb064-Kaxda3.jpg?w=696

1516680658-2719306695a66b5d2654f7-Kaxda4.jpg?w=696

The post Sawirro: Muqdisho oo lagu qabtay Rag ku shaqeysanaayay qaab ku cusub shacabka   appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this