Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Maxamad C/laahi Farmaajo Oo Ku dhawaaqay Maqaamka Ay yeelan doonto magaaladda Cadaado.

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado-(Caasimadda Online )-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa  ku wehelinaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulan laqaatay Odayaasha Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Magaalada Cadaado ay noqoneyso xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Madaxweyne somaaliya Farmaajo,Madaxweynaha Galmudug xaaf iyo madaxa Xukuumadda Galmudug shaakir ,ayaasi  wadajir uga sheegay Magaalada Cadaado in ay fadhiga Baarlamaanka ahaaneyso halka Caasimadda Galmudugna ay tahay Dhuusamareeb.

waa booqashadii labaad oo madaxweynaha kutago caddado waxa uuna doonayaa in uu kaqanciyo wiixii ay tabanayeen odayaasha beesha cadaado waxa uu sidookale soo hadal qaaaday in  cadaado loodhisi doono garoon diyaaradeed iyo Xabsi,halka Dekaddana lagadhisayo Magaalada Hobyo oo uu maanta tagayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Madaxweyne Maxamad C/laahi Farmaajo Oo Ku dhawaaqay Maqaamka Ay yeelan doonto magaaladda Cadaado. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this