Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:Muuse Biixi oo lagu eedeeyay in uu hal dhinac la saftay dagaalkii Dararweyne.

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 20 ruux ayaa ku dhintay,ugu yaraan 30 kalena waa ku dhaawacantay dagaal Maalintii Axadda ka dhacay degaanka Darar-weyne ee gobolka Sanaag,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka.

Dagaalka oo u dhexeeya laba beelood ayaa ka bilowday nin si bareer ah loogu dilay halkaas,wuxuuna salka ku haya aanooyin qabiil oo mar heshiis laga gaaray,laakiin dib u soo cusboonaaday.

Wararka aan degaanka ka helayno ayaa tibaaxaya in dhimashadu ay hal dhinac u badantahay,taasoo sii adkaynaysa xal nabadeed oo laga gaaro colaadda.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in ciidan la dhexdhigay beelaha dagaallamay,balse nabadoonnada iyo cuqaasha degaanka ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu hubaynayo hal dhinac.

Suldaanka guud ee salaadiinta Somaliland, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu hubaynayo hal dhinac oo ah beeshiisa,islamarkaana uu ciidankii dowladda u adeegsanayo dagaal beeleed.

Suldaan.Maxammed Suldaan Cabdulqaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa Muuse Biixi ku tilmaamay madaxweyne qabiil oo aan u dhexayn dhammaan shacabka Somaliland,waxaana Suldaanku ku hanjabay dagaal ka dhan ah Muuse biixi iyo beeshiisa.

Halkaan ka daawo.

PUNTLAND POST

The post Daawo:Muuse Biixi oo lagu eedeeyay in uu hal dhinac la saftay dagaalkii Dararweyne. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this