Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo soo Afjaray Khilaafkii Gal-Mudug iyo Odoyaasha Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Dhameeyay Qilaafaadkii u dhaxeeyay Gal-Mudug iyo Odyaasha Cadaado.

Madaxweynaha oo gaaray Cadaado ayaa ku dhawaaqay in magaalada Cadaado ay fadhiisin u noqon doonto Xildhibaanada Baarlamaanka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Xildhibaanada Federaalka doorashooda ay ka dhaceeyso magaalada Cadaado.

ugu Dambeeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in inta sida rasmiga ah caasimada loogu rari doono Magaalada Dhuusamareeb uu maamulka Gal-Mudug ku shaqeeyn doono Cadaado.

Arintaasi ayaa meesha ka saartay khilaafkii u dhaxeeyay Odoyaasha Cadaado iyo maamulka Gal-Mudug kaasi oo ay qaadaceen dhowaan shirkii ka dhacay Dhuusamareeb.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Hobyo halkaasi oo si weeyn loogu soo dhoweeyay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Madaxweyne Farmaajo oo soo Afjaray Khilaafkii Gal-Mudug iyo Odoyaasha Cadaado appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this