Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Cadaado u magacaabay xarunta barlamaanka Galmudug.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Cadaado gaaray ayaa sheegay in Cadaado noqonayso xarunta barlamaanka Galmudug, isagoo go’aan ku qanciyay beesha Cadaado oo dhawaan kasoo horjeestay heshiis Xaaf iyo Shaakir.

Farmaajo ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu ku sii shaqeyn doono Cadaado inta laga diyaarinayo Caasimadda Dhuusamareeb. Goobta looga dhawaaqay arintan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Nabadoonada iyo Waxgaradka Cadaado oo tabasho ka qabay heshiiska Ahlu sunno iyo Galmudug.

Go’aankaan kadib, madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Xaaf ayaa u safray magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this