Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiir Ahmed Awad oo dalka dibadiisa uga qeybgalaaya shirkii ugu horeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa uga qeybgalay Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Saudi Arabia shir gaar ah oo Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Islaamka ay kaga tashanayeen gantaal baalistik ah oo fallaagada Xuutiyiinta ay la beegsadeen Caasimadda Riyadh.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad ku baxaysay Afka Carabiga ka jeediyay shirkaasi, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay barbar taagan tahay Dowladda Sacuudiga, ayna si kulul u cambaareyneyso falka cadowtooyada leh ee Xuutiyiintu ku weerareen dalkaasi, waxaana uu soo jeediyay si dhibaatooyinka ka jira dunida muslimka loo xaliyo ay laga maarmaan tahay isbaheysi dhab ah oo taabbagal ah.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, waxa uu kulamo kala gaar gaar ah kula yeeshay Jeddah Wasiirada Arrimaha Dibadda Djibouti H.E. Mr. Mahmoud Ali Youssouf, Saudi Arabia H.E. Mr. Adel Al-Jubeir,  Maldives H.E. Dr. Mohamed Asim iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan H.E. Mr. Hamid Mohamed E. Momtaz.

Wasiirku waxa kale oo uu la kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yousef bin Ahmad Al-Othaimeen iyo Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Islaamka Mr. Bandar Hajjar.

Kulamadaasi oo Wasiir Cawad kala hadlay mas’uuliyiintaasi kala duwan danaha Soomaaliya iyo dhinacyadaasi ay wadaagaan ayaa muujiyay sida dalkiisu ugu diyaar yahay maalgeshi kadib hanaqaadkiisa siyaasadeed iyo mid ammaan.

Sacuudi-1-640x425.jpg?resize=640%2C425

Sacuudi-2.jpg?resize=644%2C483

2-9-1-640x425.jpg?resize=640%2C425

4-9-1-640x480.jpg?resize=640%2C480

10-3-360x480.jpg?resize=663%2C884

11-4-341x480.jpg?resize=660%2C929

The post Sawirro: Wasiir Ahmed Awad oo dalka dibadiisa uga qeybgalaaya shirkii ugu horeeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this