Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo durba dalalka Islaamka ugu baaqay in loo midoobo Xuutiyiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka cusub arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga Ahmed Isse Awad ayaa dalalka Islaamka ugu baaqay in loo midoobo falalka cadowtooyada leh ee Xuutiyiin si looga hortago mid la mid ah weerarkii ay ku bartilmaameedsadeen  magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ay u adeegsadeen gantaal balaastik ah.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay shirkii ugu horeeyay ee uu ka qeybgalo oo ka dhacay dalka Sacuudiga ee wasiirada arrimaha dibada dalalka Islaamka, loogana tashanayay weerarkii gantaalka u adeegsadeen ee Riyaad.

Ahmed Isse Awad ayaa falkaasi cambaareeyay isagoona soo jeediyay si dhibaatooyinka ka jira dunida muslimka loo xaliyo ay laga maarmaan tahay isbaheysi dhab ah oo taabbagal ah.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibada Somalia ayaa kulamo gaar ah la yeeshay wasiirada dhigiisa ah ee dalalka Islaamka, iyagoo ka wada hadlay arrimaha Somalia iyo xiriirada ka dhaxeeya.ahmed-isa-riyad-1.jpg?resize=696%2C522 ahmed-isa-riyad-2.jpg?resize=696%2C462 ahmed-isa-riyad-4.jpg?resize=696%2C462 ahmed-isa-riyad-5.jpg?resize=696%2C522 ahmed-isa-riyad-6.jpg?resize=696%2C980

The post Wasiir Axmed Ciise Cawad oo durba dalalka Islaamka ugu baaqay in loo midoobo Xuutiyiinta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this