Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogo dheeraad ah oo kasoo baxaaya ciidamada la dhigay wada isku xirta Balcad iyo Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Maamulka HirShabelle ayaa adkeeyay amniga wada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo waayadan aheyd mid saaxiib u aheyd amni darro.

Maamulka ayaa wadadaasi geeyay ciidamo farabadan oo aad u hubeysan kuwaa oo wata dhowr gaari, waxaana intaa dheer ciidamo kale oo efentari ah.

Maxamed Cali Caadle, oo ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka Hirshabeele, ayaa sheegay in saacadihii ugu danbeeyay ay sii laba jibaaren ciidamadii ku sugnaa wadada.

Waxa uu sheegay in wadadaasi ay gabaad u noqotay Al-Shabaab iyo Kooxo kale oo ka macaasha dhaca iyo boobka dadka shacabka iyo gaadiidka.

Wasiir Caadle, oo isbedelka amniga wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka hadlaayay ayaa yiri ‘’waan kordhinay dadaalkii lagu adkeynaayay amniga wadada, waxaan halkaasi geyn doonaa ciidamo kale oo dheeri ah’’

Waxa uu tilmaamay Wasiirka in hadda xalada amni ay tahay mid la isku haleyn karo marista wadadaasi, amnigana ay si buuxa gacanta ugu dhigeen ciidamada.

Geesta kale, Wasiirka ayaa dadka deegaanka ah ugu baaqay in ciidamada maamulka ay kala shaqeeyan dhanka amaanka, waxa uuna ku goodiyay inay qaadi doonaan talaabo adag.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com

The post Xogo dheeraad ah oo kasoo baxaaya ciidamada la dhigay wada isku xirta Balcad iyo Jowhar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this