Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka NISA oo la wareegay Amaanka Magaalada Hobyo Ee Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxaya Degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug,gaar ahaan Hobyo iyo Cadaado.

Wafdiga uu hoggaaminayo Mudane Maxamed C/llaahai Farmaajo madaxweynaha oo maalmahan socdaal ku marayay Gobolka Galgaduud ayaa lagu wadaa in ay maanta ka ambabaxo degmada Cabudwaaq oo shalay kulamo wadatashi ah kula qaatay culumada iyo odayaasha dhaqanka,isagoona ugu baaqay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanka.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa  ku wehelinaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.

Amniga Guud ee Hobyo ayaa aad loo adkeeyay, Waxaana Goobaha uu tagayo Madaxweynaha la wareegay Ciidanka Madaxweyne Farmaajo horay ukexeystay, Kuwii Galmudugna waxey sugayaan amniga meelaha laga soo galo Magaalada Hobyo

Safarka Madaxweynaha ayaa qaatay 15 maalmood,waxaana uu socdaalkiisa ka billaabaya Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland,isaga oo booqday magaalooyin badan oo Puntland ka mid ah sidoo kale waxaa uu booqday Magaalooyinka Galmudug oo uu ilaa hadda ku jiro.

The post Ciidanka NISA oo la wareegay Amaanka Magaalada Hobyo Ee Gobolka Mudug appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this