Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin Dagaal Khasaaro Dhimasho iyo dhaawac  Geystay Oo Ka Dhacay magaaladda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wararka aan ka heleyno degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir ayaa wax ay sheegayaan in Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ay ku dagaalameen Gudaha degma kaaraan.

Goobjooge kusugan goobta uu dagaalka kadhacay ayaa Caasimadda Online  u sheegay in uu jiro khasaaro dagaalkaas ka soo gaaray dad Shacab ah oo ku sugnaa Goobta uu dagaalka ka dhacay,islamarkaana Haweeney Ganacsato aheyd ay ku geeriyootay.

iska hor imaadkan ayaa waxa uu ka dhacay Goob Jaadka( Qaadka) lagu iibiyo oo ku taalla degmadaas,waxanala sheegay in ciidamada wada dagaalamay ay ka wada tirsan yihiin kuwa Milateriga Soomaaliya .

Maamulka degmada Kaaraan wali kama aysan hadlin dagaalkaas,todobaadyadii u dambeeyay Muqdisho ku ayaa dhibane u ahayd dagaalada dhexmara Ciidamada ka wada tirsan dowladda,iyada oo xalay ay u dambeysay ay ku dagaalameen degmada Shibis ee Gobolkaan Banaadir.

waxaa dagan Xaalada Goobtii uu dagaalka ka dhacay ,waxaana halkaas gaareen Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid kuwaas oo amniga xaqiijinaya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Faah Faahin Dagaal Khasaaro Dhimasho iyo dhaawac  Geystay Oo Ka Dhacay magaaladda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this