Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu yaraan 20 ruux oo ku dhintay dagaal ka socda Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

dagalka-Dararweyn.jpg?resize=600%2C337

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhimatay,in ka badan 30 kalena waa ku dhaawacantay dagaal maalmihii la soo dhaafay ka socday degaanno ka tirsan gobolka Sanaag,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta gobolka.

Dagaalka oo u dhexeeya laba beelood ayaa ka bilowday nin lagu dilay degaanka Darar-weyne ee gobolka Sanaag,waxaana haatan sii xoogaystay xiisadda oo saamaysay degaanno kale oo ka tirsan gobolka Togdheer,iyadoo ilaa iyo haatan aanay jirin cid kala dhex gashay labadaan beelood.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saaka qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook,ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka oo haatan u muuqda mid gacanta ka baxay. Mudane. Biixi,ayaa sidoo kale soo jeediyay in wixii la kala tirsanayo lagu dhameeyo“tanaasul iyo is-xaq dhawr”.

Wixii ka soo kordha kala soco: Puntlandpost.net

The post Ugu yaraan 20 ruux oo ku dhintay dagaal ka socda Somaliland. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this