Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo isku badelay agaasimayaasha guud ee waxbarashada iyo cadaalada.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Agaasimaha guud ee Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland u magacaabay Maxamed Cali Farax oo horay u ahaa Agaasimaah guud ee Wasaarada Cadaalada .

Dhinaca kale, Maxamed Cabdulqaadir Cismaan oo ah Agaasimihii Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa Madaxwayne Gaas u wareejiyey Wasaarada Cadaalada Puntland iyo arrimaha Diinta.

Isku badelkaan agaasimayaasha guud ee labada wasaaraddood waxaa Puntland u xaqiijiyay sarkaal katirsan wasaaadda Puntland oo qadka taleefonka kula hadlay wariyaha Puntlandi ee Garowe.

Maxamed Cali Faarax ayaa horey ugasoo shaqeeyay wasaaradda waxbarashada, isagoo noqday madaxii mashaariicda, tababarada iyo xirfadaha gacanta, sidoo kale wuxuu agaasime guud kasoo noqday wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Sidoo kale, Maxamed Cabdiqaadir Cismaan, ayaa isaga agaasime guud kasoo noqday wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland kahor inta aan loosoo badalin waxbarashada.

Puntladi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this