Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:Muuqaal kaa ilmaysiinaya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdirisaaq Axmed Abiikar waa aabbe Soomaaliyeed oo ka soo bara-baxay colaadda ka jirta Koonfurta,wuxuuna muddo 10 sano ah ku noolyahay magaalada Garoowe,isagoo ka mid ah dadka saboolka ah ee nolol maalmeedka ku dhibban.

Cabdirisaaq waxaa ka tahriibtay gabadhii curaddiisa ahayd oo haatan muddo sagaal bilood ah lagu haysto dalka Libya,islamarkaana dhaawac culus loogu geystay,kadib markii Cabdirisaaq uu awoodi waayey in uu bixiyo lacagta madax-furashada ee Ma’gafe dalbaday oo gaaraysa $6500 Dollar.

Aabbahan Soomaaliyeed ayaa Umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta ka dalbaday in ay ka caawiyaan badbaadinta gabadhiisa oo haatan xaalad halis ah ku sugan,kadib markii Ma’gafe isugu daray gaajo iyo jirdil.

Halkaan ka daawo.

PUNTLAND POST

The post Daawo:Muuqaal kaa ilmaysiinaya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this