Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Maxamed Geeddi,” Maqaamka magaalada Muqdisho ma ahan mid shaki ku jira.

Recommended Posts

Deeq A.   
geedi.jpgRa’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in maqaamka Muqdisho uu yahay arrin dastuuri ah oo waajib ku ah cid kasta oo xilka qaranka qabata.

Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu soo dhoweynayay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayuu sheegay in magacaabidan ay ka duwan tahay kuwii hore.

“Waxaa is leeyahay magaacida Eng. Yariisow waa ka duwan tahay kuwii hore, waa markii u horeysay Wasiir Guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo magacaabo, taas macnaheedu waa in maqaamka Caasimadda in sare loo qaado”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.

“Maqaamka ay dadka jecel yihiin iyo xuquuqda deegaanka ka maqan ma ahan kuwo shaki ku jira, waana mid dastuuri ah oo cid kasta waajib ku ah oo qarankan qabata”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this