Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Maxamed Geeddi “ Majirto cid shaki gelin karta Maqaamka Muqdisho waana mid Dastuuri ah”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kadib khilaaf soo kala dhexgalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sababtay in xilka laga qaado Thaabit Cabdi Maxamed oo ahaa Duqa Muqdisho.

Khilaafka labadan masuul ayaa ka dhashay kadib markii Thaabit uu ku dhawaaqay shirka Nabadeynta iyo Horumarinta Gobolka Banaadir, oo looga hadli lahaa Maqaamka Muqdisho, taasina ay sababtay in xilka uu waayo Thaabit.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay xilka ka qaaday Thaabit Cabdi iyo ku xigeenadiisa, wuxuuna Guddoomiyaha cusub u magacaabay C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo ku xigeenadiisa.

“Maqaamka Muqdisho iyo xuuqda deegaanka majirto cid shaki gelin karta,waxana masuul ka ah cidkasta maadaama ay tahay mid dastuuri ah oo la’ogyahay heerarka ay soo martay ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay Cali Maxamed Geedi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow

Wuxuu sheegay Cali Maxamed Geeddi Ra’iisul Wasaarihii hore in Dastuuri uu yahay maqaamka Magaalada Muqdisho, cidkasta oo Qaranka qabatana ay waajib ku tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com

The post Cali Maxamed Geeddi “ Majirto cid shaki gelin karta Maqaamka Muqdisho waana mid Dastuuri ah” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this