Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Eng Yariisow oo gurigiisa ku booqday Taabit iyo qodobo ay isla garteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Xubno isugu jiray wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil isla markaana uu ka mid ahaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa xalay gurigiisa ku booqday guddoomiyihii xilka laga qaaday, Taabit Cabdi Maxamed.

Kulankaasi oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa u muuqday in lagu soo afjaray xiisadii maalmahan ka taagneyd goboklka Banaadir.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu soo afjarayay xiisada, isla markaana labada dhinac ay uga xaajoon lahaayeen ka bixida xilliga kala guurka ee uu galay Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa isu mar xabeeyay, waxayna isku afgarteen in munaasabadda xil wareejinta ay u dhacdo si habsami leh. Waxaa kaloo la isla gartay in Taabid Cabdi Maxamed uu dib ugu laabto xarunta Gobolka Banaadir, si uu u diyaariyo xil wareejinta, iyadoo lagu wado inuu magacaabo Guddi Xil wareejin oo dhankiisa ka socda.

Sidoo kale Guddoomiyaha cusub Eng. Yariisow ayaa isna soo magacaabaya Guddi xil wareejin oo diyaariya xaflada xil wareejinta iyo habsami u socodka howlaha xilliga kala guurka.

Xubnaha kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Boostada Eng. Canshuur, Wasiir kuxigeenka Dekedaha Cusmaan daalo, Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.yariisow-taabit-2.jpg?resize=696%2C522yariisow-taabit-1.jpg?resize=696%2C472  yariisow-taabit-3.jpg?resize=696%2C522 yariisow-taabit-4.jpg?resize=696%2C522 yariisow-taabit-5.jpg?resize=696%2C928

The post Sawirro: Eng Yariisow oo gurigiisa ku booqday Taabit iyo qodobo ay isla garteen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this