Showqi Posted March 25, 2010 Saddex hablood oo reer Jabuuti ah ayaa bari Hargeysa u soo xagaa baxay. Waxey ku soo dageen Odey ay qaraabo ahaayeen oo Hargeysa deganaa. Odeygii ayaa nin dhalinyaro ah oo ay jaar yihiin weeydiiyey bal inuu hablaha magaalada soo tustuso, maadaama uu Yarku gaadhi yar leeyahay. Yarkii arintan aad ayuu ula dhacay, oo wuxuu is yidhi. Wallaahi waa fursad wanaagsan oo aan hablaha ku baran karo Hase yeeshee wuxuu soo xusuustay in gaadhigiisu yahay mid gaboobey, daxaleeystay oo runtii aan sidaa u sii fiicneeyn Illeeyn waa nin hablaha iska dhisaya e, isla markii arinta loo sheegeyba gaadhigii ayuu geerashka ula cararay. Gaadhigii ayaa la soo giigiijiyey oo laga soo dhalaaliyey gudo iyo dibadaba si aanu hablaha cidla ula fadhiisan oo aanay fashilaad u dhicin Wakhtigii balanta markii ay in yari ka hadhay. Ayuu Yarkii wuxuu sii maray nin ay ilmaadeer yihiin aqalkiisa. Halkaas oo uu shaadh qurux badan ka soo xidhay, cadarna isaga soo buufiyay. Illeeyn waa nin hablaha iska dhisaya e. :cool: Hadaba hablihii markii uu soo qaaday, magaalada dhexdeedana ay dalxiisayaan. Sheekaduna ay meel fiican u marayso oo qosolka iyo farxada ka muuqata hablaha aanad maleeyneynin, ayaa hablihii mid ka mid ahi soo booday iyadoo sanka kor u taagaysa. Waxaanay isla markiiba tidhi Huuno Saas baa uraya maaha! Yarkii baa intuu hoosta ka farxay is yidhi wallaahi bahalkii cadarka ahaa ee aad isku soo shubtay noociisii bay hablihii garteen. Intuu soo boday, isagoo dhoolla cadeynaya ayuuu yidhi Aniga ayaa isku soo shubay. Allow nin aan wax ogayn ha cadaabin! Jabuuti erayga Saas oo Faransiis ah macnihiisu waa Petrolka baabuurta. Markaa habluhu Petrol beey uriyeen, oo inanka is dhisayaana yidhi aniga ayaa isku soo shubay. Hablihiina halkaas ayey qosol uga dhamaatay habeenkii oo dhan Quote Share this post Link to post Share on other sites
dambarsame Posted April 19, 2010 iyada lafteedu ma xuma Quote Share this post Link to post Share on other sites