Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dabaabadaha Turkiga oo dhex jiiraya Waqooyiga Syria &  Kurdiyiinta oo ay xaaladu ku xun tahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay qorayaan warbaahinta caalamka ciidamada dalka Turkiga ayaa ka talaabay xadka dalka Syria, iyagoo gudaha u galay magaalada ay haysteen maleeshiyada Kurdiyiinta ee Afrin.

Ciidamadan Turkida ah ayaa xadka ka talaabay maalin kadib markii diyaaradaha Turkiga la sheegay inay duqeeyen ilaa 100 goobood oo fadhiisimo u ah maleeshiyada YPG.

Saraakiisha horkaceysa ciidamada Turkida ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay inay si buuxda u maamulaan deegaanada ay haysteen maleeshiyada Kurdiyiinta ee Afrin.

Dhaqaaqa ciidamadan ayaa soo degdegay kadib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu ku goodiyay inuu burburin doono dhammaan Saldhigyada maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay xadka ka gudbeen, ayna wadaan hawlgal ay ku baacsanayan maleeshiyada YPG.

Sidoo kale, maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG ayaa dhankooda ka sheegay inay iska difaaceen Ciidamada Turkiga, isla markaana ay madaafiic gudaha ugu tuureen dalka Turkiga.

Ruushka oo garab u muujinaaya dowlada Turkiga ayaa isna sheegay in la taliyayaasheedii milatari ay kala baxeen deganakaas.

Natiijada sawirka Militery Turki in Afrin

Turkey.jpg?resize=696%2C397

Natiijada sawirka Militery Turki in Afrin

Turkey1.jpg?resize=695%2C411

Natiijada sawirka Militery Turki in Afrin

Turkey3.jpg?resize=693%2C392

Turkey4.jpg?resize=691%2C390

Turkey6.jpg?resize=689%2C393

Natiijada sawirka Militery Turki in Afrin

The post Sawirro: Dabaabadaha Turkiga oo dhex jiiraya Waqooyiga Syria &  Kurdiyiinta oo ay xaaladu ku xun tahay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this