Sign in to follow this  
Deeq A.

20 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay gobolka Sanaag.

Recommended Posts

Deeq A.   

Labo beelood oo kasoo kala jeeda beelaha Habar jeclo iyo Habar Yoonis ayaa ku dagaalamay degaanka Dararweyne oo  hoosta degmada Ceelafweyn ee gobolka Sanaag.

Waxaa dagaalkaan ku dhintay ku dhawaad 20 qof oo labada dhinac ah iyo dhaawac intaas ka badan, sida ay warbaahinta ka sheegeen odayaasha degaanka.

Labada beelood ayaa colaadoodu soo noq noqotay inkasta oo nabadayntooda aad loogu gurmaday loona dhex galay, waxna jiray heshiis kama danbays ahaa oo dhawaan dhex maray labadaasi beelood.

Colaadani soo cusboonaatay ayaa ka dhalatay nin si badheedh ah loo dilay taasi oo sababtay in colaadani ay hadana mar kale soo cusboonaato.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this