Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiisha Ciidanka difaaca Puntland.” Dhulka Aan xorayndoono ma ahan Tukaraq kaliya ee waa Sool oo idil.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Saraakiisha ciidanka Darawaashiista Puntland ayaa sheegay in ay haystaan amar ku saabsan xoreynt 200km oo kamid ah ciida gobolka Sool, oo laga xorayndoono maamulka Hargeysa.

Ciidanka difaaca Puntland ee haatan ku sugan furimaha gobolka Sool, ayaa dib usoo jeesandoonin, illaa ay gaaraan bartilmaameedkooda ugu dambeeyay, sidaasi waxa Puntlandi u sheegay sarkaal katirsan ciidanka Daraawiishta.

Sarkaalkaan oo aan magaciisa xusin, ayaa sheegay in ciidanku difaacu ku jiro heegan culus oo uu ugu diyaar garoobayo jawaabtii dowladda Puntland ay ka bixin lahayd duullaanka maamulka Hargeysa ku qabsaday Tukaraq.

“Jawaabta duullaanka maamulka Hargeysa ma noqondoonto battilmaameedka Tukaraq, balse waxay noqondoontaa in 200km ciidanka difaacu xoreeyaan, waana mid naga go’an dhammaanteen, madaxweynuhu qalinka ayuu ku duugay inaanan dib usoo laaban, illaa aan xaqiijino dhulkeena cadowgu kusoo duulay,” ayuu yidhi sarkaalkaan.

Shacabka Puntland ayaa u diyaar garoobay inay ka qeyb qaataan difaaca Puntland, kadib markii dowladdu dhawaan ku baaqday in loo diyaar garoobo arrinaas.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this