Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo qorsheeynaya isku Shaandheeyn Golihiisa wasirada ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilo Xog-ogaal ah ayaa u sheegay warbaahinta Puntland Post xafiiskeeda Warqabadka ah ee Muqdisho in Ra’isilwasaare Xasan Cali kheyre uu qorsheeynayo isku shaandheeyn uu ku sameeyo Golihiisa wasiirada.

Sidoo kale Ra’isilwasaare Kheyre ayaa buuxinaya xilal wasiir oo banaan kuwaasi oo ay iska casileen wasiiradii ku magacaawnaa.

Sidoo kale Xogtaan ayaa waxa ay sheegeeysaa in Ra’isilwasaare Kheyre uu xilalka ka qaadayo wasiiro hadda shaqeeyo kuwa kalena magacaabayo.

Ra’iislwasaare Kheyre ayaa wasiirka Warfaafinta u magacaabaya Wasiir Maareeye oo ah Wasiirka Ganacsiga.

Wasiirka Ganacsiga ayaa lagu badali doono Wasiir Isloow oo ah Wasiirka Amniga halka wasiirka Amnigana loo magacaabi doono Tuuryare oo horay u soo noqday Taliyaha Nabadsugida.

Waxaa lga yaabaa in isbadal uu ku yimaado xubnahaasi la isku shaandheeynayo hayeeshee xogtaan waa mid aan ka soo xiganay xubno Og-ogaal ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Kheyre oo qorsheeynaya isku Shaandheeyn Golihiisa wasirada ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this