Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyihii hore oo kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya ka dhacay kulan u dhaxeeyay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow iyo Gudoomiyihii hore Thaabid Cabdi Maxamed.

Kulankaan ayaa waxa uu ka dhacay hooyga uu Muqdisho ka daganyahay Mudane Thaabid Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir halkaasi uu Gudoomiye Yariisoow ku booqday.

Labada Masuul ayaa kulankooda kaga hadlay sida ay xilka u la kala wareegi lahaayeen iyo sidii ay u dhici laheyd xaflada xil wareejinta.

Eng Yariisoow ayaa amaanay shaqadii Thaabid uu Gobolka ka qabtay isaga oo sheegay in ay sii dar dargalinayaan.

“Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Farmajo iyo RW Khayre oo igu aaminay xilka Guddoomiyaha G/Benadir Ahna Duqa Muqdishu, waxaana Shacabka ka codsanayaa inay nagala shaqeeyaan horumarinta caasimada dalka, si aan u dardargelino dadaalkii Thabit Ab” ayuu yiri Eng Yariisoow

Digreeto Ka soo baxday Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay xilka looga qaaday Gudoomiye Thaabid iyada oo xilkaasina loo magacaabay Eng Yariisoow Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya.

 

Booqasho-1.jpg?resize=720%2C540 Booqasho-2.jpg?resize=720%2C960

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyihii hore oo kulmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this