Sign in to follow this  
Deeq A.

ENG, Camey,” Dowladda Puntland waxay qaadanaysaa kaalinteeda ku aadan in Soomaaliya gaarto doorasho dadweyne 2020.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in Soomaaliya sannadka 2020 ka dhacdo doorasho dadweyne oo loo dhan yahay.

Hadalkaan waxaa sheegay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng, Cabdixakiin Camey oo ka hadlayay shir looga hadlayo aragtida doorashada Soomaaliya ee 2020, kaasoo Garowe ka socda.

Waxaa madaxweyne ku xigeenka sheegay inay Puntland tahay meesha kaliya ee Soomaaliya ka xoraynsan kooxaha argigxisada ee caqabada ku ah in Soomaaliya dimuqraadiyad gaarto.

Eng, Camey wuxuu dowlada federalka ku adkeeyay inaysan kala reebin wacyi galinta doorashada iyo xoraynta degaanada gacanta ugu jira kooxaha argigixisada ee koonfurta iyo bartamaha ku sugan.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu aragti ahaan sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in Soomaaliya doorasho cod iyo qof ka dhacayso, isagoo ka eegaya dedaalada ay wadaan guddiga qaran ee doorashada.

Halkaan ka dhegayso codka Camey.

      Madaxweyne+kuxigeenka+Puntland+Camay2 (1)

Puntlandi.cm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this