Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso:-Maamulka Hir-Shabeelle Oo Ka Warbixiyay Howlgalkii Ay Fuliyeen Ciidamada Danab

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar-(Caasimadda Online)-Wasiirka Wasaaradda Amniga Hir-Shabeelle Cabduqaadir Aadan jeele ayaa sheegay in howlgalk  lagu dilay Macalinkii tababarayay  Dhalinyaro shabaab kubiiraysay halka qaarkalena ka tirsan Ciidamada Shabaab ay ku geeryoodeen isla markaana uu jiro dhaawac soo gaaray Caruurta ay Al-Shabaab tababarayeen sid uu hadalka u dhigay.

jimcahii  lasoo dhaafay ayay aheyd markii ay Ciidmo ka tirsan kuwa Kumaandoosta Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwo Cadaan ah ay weeraraeen Saldhig ay Al-Shabaab ku tababarayeen Dhalinyaro doonayay in ay ka mid noqdaan oo ku yaalla deegaanka Ciliyaale ee duleedka Jowhar,waxana howlgalkaas faah faahisay Wasaaradda amniga Maamulka Hir-Shbeelle.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Hir-Shabeelle Aadan jeele ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay Macalinkii Dhalinyaradaas tababarayay halka 6 ka tirsan Ciidamada Shabaab ay ku geeryoodeen isla markaana uu jiro dhaawac soo gaaray Caruurta ay Al-Shabaab tababarayeen sid uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle Cabduqaadir Aadan Jeele ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay howlgallo maalmihii la soo dhaafay ka socday Wadada isuxirta Balcad iyo Jowhar kaas oo dhowr mar ay weeraro kudhufoo kadhaqaaq ah ay  ka sameeyeen kooxda Shabaab.

wasiirka ayaa hadalkii kusoo gabagabeeyay  in amniga uu yahay mid wanaasgan,isla markaana howlgalladu ay yihiin kuwo socdo siina socon doona.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle.

http://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/01/Wasiirka-Amniga-Maamulka-Hir-shabeelle.mp3

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Dhageyso:-Maamulka Hir-Shabeelle Oo Ka Warbixiyay Howlgalkii Ay Fuliyeen Ciidamada Danab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this