Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo-Taliye Finiin ”baaritaan baanu ku wadnaa cidii ka danbeysay Qaraxii xalay Bosaso ka dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso-[Puntland Post]-Taliyaha Ciidanka Taraafikada ee Shan gobol oo Kamid ah Puntland Maxamed Finiin Yusuf oo shir Jaraa.id ku qabtaya xarunta ciidamada ilaalada wadooyinka ee Bosaso ayaa ka warbixiyay weerar xalay Lagu qaaday Xerada ciidanka ee Magaaladda Boosaso.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu ku geeriyooday mid kamid ah Askarta Taraafikada iyadoona uu ku dhaawacmay Mid Kale, Kadib weerar loo adeegsaday Bambo Gacanta Laga soo Tuuray.

Taliye Faniin ayaa sheegay iney tuhunsanyihiin Dad kala duwan oo soo Abaabulay Weerarkan kuwaas oo noqon Kora Ganacsato, Dad Shacab ah iyo Kooxaha Dagaalka kula jira Dowladda ee Al-Shabaab iyo Daacish oo kaashanaya dad deegaanka ah, sida uu sheegay Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka shanta gobal ee Puntland.

hoos ka daawo shirkiisa Jaraa,id Taliyaha

Cabdiqani Boos 

Puntland Post

The post Daawo-Taliye Finiin ”baaritaan baanu ku wadnaa cidii ka danbeysay Qaraxii xalay Bosaso ka dhacay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this