Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Muqdisho oo ka hadlay Sida ay u arkaan Xil ka qaadistii Thaabid

Recommended Posts

Deeq A.   

Xili Degareeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Xilkii looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Shacabka Muqdisho.

Qaar kamid ah Shacabka Muqdisho oo aan la dhex qaaday Codbaahiyaha Warbaahinta Puntland Post Xafiiskeeda Muqdisho ayaa ka hadlay Dareenkooda sida ay u arkaan Xil ka qaadistaasi.

Qaar kamid ah Dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado xil ka qaadistaasi islamarkaasina Madaxweynaha uu ku deg degay go’aankaasi.

sidoo kale dadka qaar ayaa sheegay in uu ku saxnaa Madaxweynaha go’aankaasi iyaga oo sheegay in Ex-Gudoomiye Thaabid uu doonayay in Muqdisho uu maamul ka madax banaan dowlada uu u sameeyo.

Hadal heeynta ugu balaaran ee Dhulka Soomaalida ayaa ah maanta xil ka qaadista Thaabid Cabdi Maxamed Gudoomiyihii Gobolka Banaadir kaasi oo qilaaf isaga iyo madaxda soo kala dhexgalay xilkii looga qaaday.

Hoos ka Dhageyso Warbixin Wariyaha PP Ee Muqdisho

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/01/War-Cowke-PP-Shacabka-Muqdisho.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Shacabka Muqdisho oo ka hadlay Sida ay u arkaan Xil ka qaadistii Thaabid appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this