Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan Booliska iyo NISA oo si buuxa ula wareegay Xarunta G/Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Booliska iyo Nabadsugida ay si buuxda ula wareegen amniga Xarunta dowladaha Hoose ee Muqdisho.

Ciidamada ayaa inta badan lagu bedelay ciidamadii horay u joogay Xarunta waxaana Saaka xiran xarunta iyo dhammaan waddooyinka gala.

Xarunta ayaa waxaa saaka ku sugan ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan AMISOM kuwaa oo kaabaaya ciidamo ka tirsan NISA iyo Booliska oo iyagu si buuxda saaka loogu wareejiyay amniga Xraunta.

Sidoo kale, waxaa saaka xiran inta badan Isgooysyada magaalada Muqdisho, halka gaadiidka iyo isu socodkana laga mamnuucay waddooyinka gala Xarunta.

Dhinaca kale, Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli Madaxweyne Farmaajo uu Magacaabay maamulka gobolka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Ciidamo ka tirsan Booliska iyo NISA oo si buuxa ula wareegay Xarunta G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this