Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowlada oo la wareegay Xarunta Dowlada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo katirsan kuwa nabad sugida dowlada Soomaaliya ayaa la wareegay xarunta Aqalka hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Muqdisho.

Ciidamadaan oo ah kuwa aad u farabadan ayaa xiray dhamaan wadooyinka soo gala xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ku taalo degmada Xamar-weyne.

Dhinaca kale ciidamo aad u farabadan ayaa saakay lagu soo daadiyay wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ciidamada ayaa xiray Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho sida Wadooyinka Wadnaha Makka-Almukarama.

Warar ayaa sheegay in Muqdisho ay ka dhacayaan dibad baxyo balaaran oo looga soo horjeedo xil ka qaadistii Thaabid ay ka dhacayaan Muqdisho.

Arintaan ayaa ka dambeeysay kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Mudane Thaabid Cabdi Maxamed .

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Ciidamada Dowlada oo la wareegay Xarunta Dowlada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this