Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Xafiiska raysal wasaaraha oo hadda looga yeeray warfidiyeenada.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Raysal wasaare Kheyre ayaa gor dhowayd looga yeeray bahda warfiyideenada Xamar, iyadoo la filayo in dowladda federalku jawaab ka bixiso arrintii guddoomiye Taabit, kaasoo caawo sheegay in loo doortay guddoomiyaha gobolka Banaadir muddo labo sano, xilli ay soo baxaysay in xilka laga qaadayo.

Taabit waxaa xilkaan u doortay 70 xubnood oo lagu sheegay inay yihiin xildhibaanada golaha degaanka Xamar, guddoomiyayaasha degmooyinka iyo shaqaalaha dowladda hoose Ee Xamar.

Raysal Wasaare ayaa saacado kahor shir albaabada ulaaban yahay  la qaatay xidlhibaanada iyo  saraakiisha ka soo jeedo gobolka banaadir, isagoo kala shiray arrimaha haatan Muqdisho ka taagan.

Xogo aan helnay waxay sheegaysaa  in lagu dhawaaqi doono guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir.

Puntlandi.com

Muqdisho

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this