Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalladda PUNSA oo qabatay kulan ku saabsan hirgelinta doorashada qof iyo cod ee sannadka 2020

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulankaan ay soo qaban qaabisay dalladda ururrada aan dowliga ahayn ee Puntland(PUNSA) oo ay ka soo qeyb galeen Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka (GMDQ) ayaa looga hadlayey habka ugu wagaansan ee doorasho qof iyo cod uga dhici karo dalka Soomaaliya,waxaana loo qabtay dhalinyarada.

Ugu horrayn waxaa kulanka ahmiyaddiisa sharraxay guddoomiyaha dalladda ururrada aan dowliga ahayn ee Puntland(PUNSA),Faysal Axmed Warsame,isagoo dhalinyada ku boorriyay in ay taladooda ku biiriyaan ra’yi uruurinta ku aaddan habka ugu wagaansan ee doorasho qof iyo cod uga dhici karo dalka Soomaaliya 2020.

Guddoomiyaha dalladda dhalinyarada Puntland,Aweys Axmed Sardheeye ayaa dhinaciisa sheegay in ka dhalinyaro aahan ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan sidii lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod oo Soomaaliya ka dhacda,wuxuuna guddiga u soo jeediyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan qabsoomidda doorashada.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka (GMDQ),Sayid Cali SH. Maxamuud oo kulanka soo xiray ayaa ka sheekeeyay shaqada loo igmaday guddiga iyo hawlaha baaxadda leh ee horyaalla si loo gaaro doorasho qof iyo cod,isagoo dhinaca kale sheegay in guddi ahaan laga sugayo in ay diyaariyaan qorshe dhammaystiran oo sahlaya in shaqadaasi miro-dhasho.

Sawirro.

IMG_0333.jpg?resize=600%2C400 IMG_0335.jpg?resize=600%2C400 IMG_0338.jpg?resize=600%2C400 IMG_0339.jpg?resize=600%2C400 IMG_0340.jpg?resize=600%2C400 IMG_0341.jpg?resize=600%2C400 IMG_0343.jpg?resize=600%2C400 IMG_0345.jpg?resize=600%2C400 IMG_0347.jpg?resize=600%2C400 IMG_0348.jpg?resize=600%2C400 IMG_0349.jpg?resize=600%2C400 IMG_0351.jpg?resize=600%2C400 IMG_0352.jpg?resize=600%2C400 IMG_0354.jpg?resize=600%2C400 IMG_0355-1.jpg?resize=600%2C400 IMG_0357.jpg?resize=600%2C400 IMG_0361.jpg?resize=600%2C400 IMG_0363-1.jpg?resize=600%2C400 IMG_0364-1.jpg?resize=600%2C400 IMG_0366.jpg?resize=600%2C400 IMG_0367.jpg?resize=600%2C400 IMG_0370.jpg?resize=600%2C400 IMG_0372.jpg?resize=600%2C400 IMG_0375.jpg?resize=600%2C400 IMG_0376-1.jpg?resize=600%2C400 IMG_0380.jpg?resize=600%2C400 IMG_0384.jpg?resize=600%2C400 IMG_0387.jpg?resize=600%2C400 IMG_0389.jpg?resize=600%2C400 IMG_0391.jpg?resize=600%2C400 IMG_0400.jpg?resize=600%2C400 IMG_0401.jpg?resize=600%2C400

PUNTLAND POST

The post Dalladda PUNSA oo qabatay kulan ku saabsan hirgelinta doorashada qof iyo cod ee sannadka 2020 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this