Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Gudoomiye Thaabid oo loo siyaadiyay Labo Sano

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Guddiga Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Golaha Degmoyinka Gobalka banadir Ayaa labo Sano ugu daray Gudoomiye Thaabid

Arintaan ayaa ka dambeeysay kadib Kulan ay Caawa Yisheen Kaas Oo ka Dhacay Xaruunta Dowlada Hoose Ee Muqdisho.

Golaha ayaa si Gacan Taag ah ugu codeeyay in Muddo Labo Sano ah uu hayo Xilka Hayo Gudoomiye Thaabid.

Golaha Ayaa Shegay in Ay badbadinayaan ayahaha gobalka Banaadir oo Maqaamka Gobolka Banaadir la dafiray sida ay sheegeen.

Madaxda Dowlada ayaa ka soo horjeeyda in Muqdisho ay kamid noqoto Maamul Goboleedyada dalka ka jira iyadoo dowladana u aragta caqabad hor leh oo soo foodsaareeyso.

Lama oga sida dowlada ay uga jawaabi doonto iyo go’aanka ay qaadan doonto dowlada Soomaaliya oo ku aadan in Thaabid loo siyaadiyo Muddo labo sano ah.

Faah Faahin Dheeraad ah dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post DEG DEG: Gudoomiye Thaabid oo loo siyaadiyay Labo Sano appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this