Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo” Dadkii ka Barakacay Colaadii Xeraale dib ha soo noqdaan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaaray Deegaanka Xeraale iyo Deegaano kale ayaa ka hadlay Arimaha Colaadaha.

Farmaajo ayaa ugu baaqay Dadka ku Nool Xeraale in ay qaataan Nabad islamarkaasina meel la iska dhigo Colaada Dabo dheeraatay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in Si Deg Deg ah loo soo Ciliyo Dadkii ka barakacay magaaladaasi Xeraale dagaalkii u dhaxeeyay Ahlusnno iyo Gal-Mudug.

Waxaa uu balan qaaday in dowlada ay Dhinacyada hormarka ka sameeysan doono Magaalada Xeraale .

Waxa uu ugu baaqay in ay dib u soo laabtaan dhamaan dadkii ka barakacay Degmadaasi Dadkana ugu baaqay in la soo Dhoweeyo.

Ugu Dambeetntii madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu markale dib ugu soo laabanayo Degmada Xeraale.

Hoos ka Daawo Muuqaalka

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Madaxweyne Farmaajo” Dadkii ka Barakacay Colaadii Xeraale dib ha soo noqdaan” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this