Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Khasaaro intee la’eg ayaa ka dhashay shilka diyaaradeed ee manta ka dhacay Garoonka Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Shil Diyaaradeed ayaa waxa uu maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay qadka ka baxday diyaarad soo dageysay.

Saraakiisha ka howlgala Garoonka ayaa sheegay in diyaaradaha isku dhacay ay midi soo dageysay midna horay u fadhisay gudaha Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Diyaarada shilka geysatay ee soo dageysay ayaa waxaa lahaa Midowga Yurub, halka Diyaarada kale ay aheyd mid shacabka qaada oo tiilay Garoonka Diyaarahada Aadan cadde.

Saraakiishu waxa ay sheegen in Diyaarada Shilka sameysay ayaa xiligaasi dooneysay inay meel Parking ah gasho, waxayna qaybta run wayga ee Parkinada ah ugu tagtay Diyaarad kale oo xiligaasi taagneyd.

Sidoo kale, waxaa burbur dhanka baalasha ah soo gaaray diyaarada lagu dhacay ee Garoonka taagneyd waxaana lahaa diyaarada lagu dhacay Shirkad lagu magacaabo Galeyr oo sameysa safarada gudaha ee Muqdisho.

26995286_1524911247593280_170148397_n.jpg?w=696

26996085_1524911347593270_477450641_n.jpg?w=696

26994458_1524911170926621_1397597888_n.jpg?w=696

26994458_1524911170926621_1397597888_n-1.jpg?w=696

The post Sawirro: Khasaaro intee la’eg ayaa ka dhashay shilka diyaaradeed ee manta ka dhacay Garoonka Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this