Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo diiday inuu wax gorgortan ah ka galo xaaladaha haatan ka taagan gobolka Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si adag uga hor yimid inuu wax waan waan ah iyo wadahadal maamulka Hargeysa kala galo xiisadaha ka taagan gobolka Sool.

Warsidaha Puntlandi oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah iyo dad masuuliyiin ah, ayaa ogaaday in madaxweyne Gaas ay xiriiro lasoo sameeyeen dowladdo iyo hay’addo doonaya inay wada hadal siiyaan isaga iyo Muuse Biixi, si loo dajiyo xiisadaha ka taagan gobolka Sool.

Hase yeeshee madaxweyne Gaas, ayaa u sheegay dhinacyada lasoo xiriiray in dhulka duullaanka lagusoo qaaday ee haatan maleyshiyada maamulka Hargeysa ku sugan yihiin uu yahay dhul Puntland ah islamarkaana aanu wax gorgortan ah ka galaynin soo celintiisa iyo difaacidiisa, sidii uu horey u sheegay.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this