Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka Golaha Shacabka Oo Go’aan Kasoo Saaray Maqaamka Caasimadda ,,WARSAXAAFADEED

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimadda Online)-waxaa baryahaan lahadalhayay in laqabandoono shirweyne looga hadlayo maqaamka ay yeelandoonto caasimadda soomaaliya ee muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan uu maanta soo saaray kaga hadlay cida iska leh go’aan ka gaarista maqaamka caasimadda Dalka.

go’aan gaarista maqaamka caasimadda ayaa  lagu sheegay in loo raacayo sida uu dhigayo qodobka 9-aad ee Dastuurka.

Sidoo kale, guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay in golaha shacabku leeyahay awoodda mataaladda shacabka Soomaaliyeed sida uu qabo qodobka 63-aad ee dastuurka, loona baahan yahay in lagu xormeeyo gudashada waajibaadkiisa.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku baaqay in la dhowro dastuurka iyo Dowladnimada,ka go’aan gaarista maqaamka Caasimaduna ay tahay awood gaar u ah Baarlamaanka.

Go’aanka Guddoonka Golaha Shacabka Hoos Ka Akhriso:-

aaaaaaaaaaaaaaaaaa-1-1.jpg?resize=696%2C

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Guddoonka Golaha Shacabka Oo Go’aan Kasoo Saaray Maqaamka Caasimadda ,,WARSAXAAFADEED appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this