Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:PUNSA oo soo saartay talooyin ku saabsan DoorashadaPuntland ee 2019 .

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirweyne Wada-tashi ah oo ku saabsan habka ugu habboon ee loo xulanayo Xildhibaannada Puntland ee doorashada 2019 oo ay soo qaban qaabisay dallada bulshada rayidka Puntland ee(PUNSA),ayaa lagu soo geba-gabeeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan hay’adaha daneeya maamul wanaagga iyo dimoquraaddiyeynta Puntland oo ay kamid yihiin Wasaaradda Dastuurka Puntland,Waasaradda Arrimaha Gudaha,Guddiga Doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland,aqoonyahanno,Ururrada haweenka iyo ganacsato.

Aqoonyahan Maxammed Cabdullaahi Xuseen(Shoortaayo) oo hadal ka jeediyey shirka ayaa ku dheeraaday halka ay salka ku hayso dhibaatada Soomaaliya,wuxuuna ku taliyey in musuq maasuqa meel looga soo wada-jeesto,si loo helo hufnaan iyo caddaalad,islamarkaana loo gaaro horumarka la hiigsanayo.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga maamulka loo dhanyahay ee PUNSA,Maxammed Jaamac oo dhinaciisa Shirka ka hadlay ayaa dowladda Puntland iyo Shacabka ugu baaqay in lagu dhaqmo talooyinka shirkaan ka soo baxay ee ku saabsan xulista Xubnaha Baarlamanka Puntland ee doorashada 2019.

Shirka ayaa geba-gabadii laga soo saaray Talo-soojeedin ka kooban 8 qodob oo ku aaddan sida ugu habboon ee loo soo xulanayo Baarlamanka Puntland ee doorashada 2019,waxaana saxaafadda u akhriyey Mudane.Axmed Muuse Maxammed oo ah madaxa u Qareemidda PUNSA.

Halkaan ka daawo.

PUNTLANDPOST

The post Daawo:PUNSA oo soo saartay talooyin ku saabsan DoorashadaPuntland ee 2019 . appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this