Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Puntland oo boqolaal kun oo dollar u qorshaysay Dadka ku nool Deegaanka Tukaraq

Recommended Posts

Deeq A.   

calanka1.jpg
Dowlada Puntland ayaa wada Qorshe lagu daryeeayo Shacabka ku nool Tukaraq iyo nawaaxigeeda oo ay saameeyeen Dhaqdhaqaaq colasdeed ee ka taagan Deegaanka.

Dowlada ayaa u qoondeysay Lacago lagu taageerayo Shacabka Deegaanka Hadii ay timaado baahi ama barakac.

Sargaal ka tirsan Dowlada oo ku sugan Deegaanka ayaa Puntlandi u sheegay in ay Dowlada Puntland wado dadaal ay ku xakameynayso in ay sameyn nololeed ku yeelato Dhaqdhaqaaqa ay wadaan Maleeshiyaadka soo galay deegaanka.

Sargaalku wuxuu kaloo sheegay in Xaalada ay aad u degantahay Dowladuna la socoto Xaalada Shacabka.

Wuxuu kaloo sheegay in xitaa shacabka Puntland gudo iyo dibadbavay mar walba deg deg uga jawaabaan baahi walba oo soo wajahda Qaybbkamid ah Shacabka Puntland, ayna hada Xukuumadu u qorsheysay Aduun farabadan Hadii ay baahi deg dega ka timaado deegaanadaan.

Puntlandi
Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this