Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan looga hadlayay Amniga Gobolka Sh/hoose Oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Koonfur Galbeed Oo lagu qabtay Baraawe .

Recommended Posts

Deeq A.   

Baraawe-(Caasimadda Online)-kulan looga hadlaayay Amniga Gobolka Shabeelaha hoose ayna ka qeybgaleen Masuuliyinta Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa gobolka Shabeelaha hoose ayaa lagu qabtay Degmada Baraawe ee Gobolkasi.

Kulankaasi ayaa waxa looga hadlay ka warbixiyay Gudoomiye ku xigeenka maaliyadda C/fitaax Cabdulle, wuxuuna sheegay in xaladda gobolka shabeelada hoose iyo kulamada ay la yeesheen masuuliyiinta ku sugaan magaalada Baraawe.

Masuuliyiin ka socda Wasaarad arrimaah gudaha ee maamulka K/galbeed ayaa kulamo la yeeshay Masuuliyinta magaalada Baraawe oo iskugu jira Odayaasha dhaqanka iyo dadka degaanka, waxayna kala hadleen ammaanka degmada sidii loo xaqiijin lahaa, iyaadoo la ogsoon yahay in Maleeshiyaadka Al-shabaab sanadkii tagay ayaa ku dileen labo ruux oo ka mid ah dadka deegaanka.

Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sidoo kale sheegay in ay laga marmaan tahay sugida ammaanka degaanada gobolka shabeelaha hoose, wuxuuna ugu dambeyntii ugu baaqay Dadka ku sugan magaalada Baraawe in ay ka qeyb qaatan sugida amaanka magaalada Baraawe .

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Kulan looga hadlayay Amniga Gobolka Sh/hoose Oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Koonfur Galbeed Oo lagu qabtay Baraawe . appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this