Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha jabuuti Waxaalagaaray Xiligii Ee Bixilahaayeen  Ciidamada ….

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti-(Caasimada Online)-Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay Arimaha Siyaasadda, amaanka iyo Taageerada dibadda ee Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa taageeray in Ciidamada AMISOM ay soo afjaraan Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo socday in ka badan 10 sano, waxa una sheegay in la gaaray waqtigii ay Ciidamada Soomaaliya maamuli lahaayen Dalkooda.

“waa la gaaray waqtigii ay la wareegi lahaayeen Ciidamada Soomaaliya amaanka Dalkooda, waxaana kula talinayaa in ay dalkooda u istaagaan sidii ay u xalin lahaayeen, maxaa yeelay ma jirto awooda culus oo ka soo horjeeda ama Dowlado diyaarada wata oo ka soo horjeeda, shabaab waa ay dhamaadayn inta hartayna waa ku filan yihiin”. Ayuu Yiri madaxweyne Geelle.

Hadalka Madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay bilaabatay bixitaanka Ciidamada AMISOM, waxaana Dalkii ugu horeeyay ee Ciidankiisa qaar ka mid ah la baxo uu noqday Dalka Uganda oo ay Soomaaliya ka joogaan in ka badan 6,000 oo Askari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Madaxweynaha jabuuti Waxaalagaaray Xiligii Ee Bixilahaayeen  Ciidamada …. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this