Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabab oo warkasoo saartay weerar xalay lagu qaaday Jamaame iyo qasaarihii kadhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jamaame-(Caasimadda Online)-Weerarkii xalay ay Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah oo iskaashanaya  ay kafuliyeen Gobolka Jubada hoose gaar ahaan Degmada Jamaame ayaa lasheegayaa in Ciidamada ayaa iska caabin kala kulmay Ciidamadii Al-shabab ee jooga Jamaame,waxaana Al-shabaab ay sheegeen in Ciidamada isbaheysanayay ay dhinaca Magaalada Kismaayo aadeen markii dambe.

Warbaahinta kooxda Al-shabab ayaa qoraysa in Ciidamada isbaheysanayay ay dhulka degeen iyaga oo isku dayay in ay dagaal ka galaan gudaha Magaalada balse Al-shabaab ay ka war heleen xogta weerarkaas.

Al-shabaab waxa ay intaas raaciyeen in Ciidamada huwanta ah ay duqeeyeen Magaalada oo ay ku garaaceen Hoobiyayaal ka hor inta aysan ka bixin.

Dowladda Soomaaliya wali kama hadlin hadalka AL-shabaab ee la xiriira in xalay degmada Jamaame ay weerar ku qaadeen.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa gaarka ah ee Soomaaliya ayaa kordhiyay weerarrada ka dhanka ah Al-shabab,waxaana ugu dambeeyay weerar Habeen ka hor ay ka fuliyeen degaanka Jameeco Jilyaale oo ka tirsan Shabeellaha dhexe halkaas oo dowladdu sheegtay in ay Carruur la askareynayay ka furteen xarun Al-shabaab ay leeyihiin.

Al-shabaab ayaa dhinacooda beeniyay in Carruurtaas la skareynayay,waxaana Afhayeen u hadlay uu sheegay in Carruurta oo dugsigooda dhiganayay la weeraray halkaasna lagu dilay Macallin iyo 4 ardeydiisa ka mid ahayd.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Al-shabab oo warkasoo saartay weerar xalay lagu qaaday Jamaame iyo qasaarihii kadhashay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this