Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Xalay kooxo hubeysan ayaa Degaanka limpopa ee dalka koofur-Africa waxa ay ku dileen Muwaadin Soomaliyeed kaasi oo goob ganacsi lahaa.

Muwaadinkaan la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Liibaan Cali.

Muwaadinka la dilay ayaa da’diida lagu qiyaasay 28-sano jir waxaana dilkiisa fuliyay burcad koonfur afrikaan ah oo markii dambe goobta ka baxsaday.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda Booliska Koonfur afrika, waxayna ka sameeyeen baaritaano.

Waa Muwaadinkii 9-aad oo Sanadkaan Cusub ee 2018-ka lagu dilo dalka Koonfur Afrika .

PUNTLAND POST

The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this