Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumaandooska Soomaaliya iyo Maraykanka oo weerar ku qaaday degmada Jamaame.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa Xalay saqdii dhexe weerar qorshaysan ku ekeeyay degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose oo ay ka taliso Al-shabaab,sida laga soo xigtay saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya.

Wararka halkaas laga helayo ayaa sheegaya in Ciidamada hawlgalka qaaday ay diyaarado ku yimaadeen duleedka degmada Jamaame,kadibna ay madaafiic huwiyeen saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen hareeraha magaalada,inkastoo aan weli la ogayn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Dowladda Soomaaliya iyo Maraykanka ayaan weli midna si rasmi ah uga hadlin khasaaraha ka dhashay weerarka,balse Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in la fashiliyay hawlgalka oo aan wax khasaare ah ka dhalan,sida ay hadalka u dhigeen.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net

The post Kumaandooska Soomaaliya iyo Maraykanka oo weerar ku qaaday degmada Jamaame. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this