Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo soo bandhigay tirada Horjoogayasha & Maleeshiyadka Hubeysan oo ay dileen

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa cod dheer ku sheegay in ciidamada maamulkiisa ay khaarijiyeen Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka hubeysan lagu dilay howlgalo saacadahii la soo dhaafay ka dhacay deegaanada maamulka

Waxa uu Madoobe qiray in howlgalkaas ay ku dileen in ka badan 40 maleeshiyaad oo ay ku jiraan Horjoogayaal dhowr ah oo kala hogaaminaayay maleeshiyada.

Waxa uu tilmaamay in howlgalkaas oo ay ka fuliyeen deganada Beerxaani, Kaamjaroon Araare iyo Jamaame oo xiligaan Saldhigyo u ah Shabaabka.

Wuxuu sheegay in hawlgaladan ay kala dhantaalayaan damacii Shabaab ee ahaa in ay sii wadaan dhibaatada ay Shacabka ku hayaan, sida uu sheegay Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Afartii bil ee lasoo dhaafay maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa kusii badanaayay deegaanada uu maamulo Axmed Madoobe, waxaana iminka socda dadaal looga saarayo deegaano dhowr ah.

Dhinaca kale, Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa ku goodiyay inay dhameystiri doonaan shabaabka ku harsan deegaanada Jubbaland.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

The post Axmed Madoobe oo soo bandhigay tirada Horjoogayasha & Maleeshiyadka Hubeysan oo ay dileen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this