Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso:Ra’iisul Wasaare Kheyre” Xukuumaddu Ma Nasan Doonto Intii Qof Soomaaliyeed Uu Xiran Yahay ”

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo soo dhaweeyay 42 Maxaabiis Soomaali ah oo laga keenay dalka Hindiya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso siideynta kuwo kale oo weli xiran.

Waxa uu sheegay in marnaba aysan nasan doonin inta qof Soomaali ah uu ku xiran yahay dalka dibadiisa,isla markaana ay qeyb ka aheyd balan qaadkii ay horay u sameeyeen.

Sidoo kale waxa uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Gacmaha isqabsadaan si ay guulo u  gaaraan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay dalka ugu soo celisay muwaadiniin soomaaliyeed oo ku xirnaa qaar ka mid ah Wadamada Caalamka,waxana dadkaasi ugu dambeeyay 42 Ruux oo ku xirna dalka Hindiya balse haatan dalkooda Soomaaliya lagu soo celiyay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Dhageyso:Ra’iisul Wasaare Kheyre” Xukuumaddu Ma Nasan Doonto Intii Qof Soomaaliyeed Uu Xiran Yahay ” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this