Sign in to follow this  
Deeq A.

Awoodaha Al-Shabab oo kusii baahaya deegaanada HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa walaac laga muujinayaa amni daro kusii baaheysa deegaanada maamulka HirShabelle kadib qulqulka Al-Shabaabka Gobolka Sh/Hoose.

Amni daradan ayaa la sheegayaa inay soo ifbaxday wixii ka danbeeyay kororka duqeymaha ay diyaaradaha Mareykanka ka hayaan Gobolka Shabellaha Hoose, kaa oo lala eeganaayo Saldhigyada Shabaabka.

Maleeshiyaadka baxsadka ka ah Duqeymaha ayaa Saldhigtay deegaano dhowr ah oo hoostaga maamulka HirShabelle, halkaa oo ay ka qaadan weeraro isugu jira dhabagal iyo mid toos ah.

Maleeshiyaadkan oo sii kordhaaya ayaa qalqal amni darro oo u badan dilal iyo Qaraxyo kawada Deegaano ku hareereysan Jowhar iyo Balcad, waxaana socda dadaalo looga hortagaayo falalkaas.

Wasiiru Dowlihii hore ee wasarada Beeraha mamulka Hirshabeele Sayid Xasan Cali oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa qiray inay sii kordheyso amni darada.

Sayid Xasan Cali, waxa uu sheegay inay sii kordhayaan dhaqdhaqaaqyada iyo falalka amni daro oo maleeshiyaadka Shabaab kawadaan deegaanada maamulka hoostaga.

Waxa uu intaa raaciyay inaanu jirin xitaa lacago sax ah oo ka shaqeeya deegaanada maamulka taa oo u daliil ah cabashooyinka shacabka ay ka qabaan isticmaalka lacagaha Sh/So.

Maalmihii lasoo dhaafay deegano iyo dagmooyin katirsan Hirshabelle waxaa ka taagnaa dagalo u dhaxeeyey ciidamada dowlada ee maamulka iyo kuwa maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxa uuna Sayid Xasan Cali, dagaaladaasi ku sheegay kuwo qeyb ka ah awoodaha ay Shabaabka kusii yeelanayaan deegaanada maamulka.

Dhinaca kale, Shabaabka ayaa Seddexdii bilood ee ugu danbeysay sii kordhinaayey Weerarada ay ka geysanayaan Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobalada shabeelaha dhexe iyo Hiiraan uu maamulo Maamulka Hirshabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Awoodaha Al-Shabab oo kusii baahaya deegaanada HirShabelle appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this