Sign in to follow this  
Deeq A.

Carruur ay qafaasheen kooxda Al-Shabaab oo weli laga baadi-goobayo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)  – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaaden Iskuul ku yaalla Gobolka Shabeellaha dhexe, kaa oo maleeshiyadu ku qafaasheen carruur yaryar.

Maleeshiyada ayaa la sheegay inay doonayeen in carruurtaas ay u adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan dowlada Somalia iyo ciidamada AMISOM ee caawiya dowlada.

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in dadaal dheer kadib ay ku guuleysatay inay soo badbaadiso carruurta oo dhamaa 32 oo da’dooda u dhexeysay 12 ilaa 18 jir.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumada Somalia Yariisoow oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaayay badbaadinta carruurtaas ayaa sheegay in dowladu ay sugeyso amnigooda.

Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Al-shabaab Carruurta ay u adeegsanayaan fikirkooda argagixisonimo ee lidka ku ah Nabadda Somalia.

Wasiirka waxa uu sheegay inay suuragal tahay in weli ay carruur ku jiraan gacanta Alshabaabka, balse ay muujinayaan dadaal lagu sii wadaayo baadi-goobka lagu soo furanaayo carruurta.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamo Mareykan ah xasuuqeen carruur kuwo kalana ay qafaasheen kaddib markii ay weerar ku qaadeen dugsi ay wax ka baranayeen.

Warbixin ay dhawaan soo saartay hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa lagu eedeeyay Al-shabaab in ay qasab ku Askareeyaan Carruur da’doodu aad u yartay, gaar ahaan deegaanno hoostaga gobolka Bay oo la sheegay in ay tiro badan oo Carruur ah ka soo kaxeysteen.

Dhinaca kale, maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa Seddexdii bil ee ugu danbeysay xoojineysay diiwaan gashiga carruurta agoonta ah ee aanu heysan daryeelka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Carruur ay qafaasheen kooxda Al-Shabaab oo weli laga baadi-goobayo… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this