Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Salaad Cali Jeelle oo Khudbad ka qosolsiisay dadbadan ka jeediyay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Salaad Cali Jeelle oo kamid ah siyaasiyiinta Somalia  isla markana kamid ah wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay ahmiyada ay leedahay midnimada Galmudug iyo Ahlusuna.

Salaad Cali ayaa sheegay in midowga labada dhinac uu yahay mid ku imaaday is fahanka labada Hogaamiye, waxa uuna lama huraan ku sheegay in dowlada Somalia ay isgarabtaagto Galmudug.

Salaad Cali, waxa uu tilmaamay in Ahlusunna ay taariikh ku leedahay dagaalka lala galay al-Shabaab, waxa uuna cadeeyay inay dhabar jabiyeen al-Shabaab.

Waxa uu Salaad Cali sheegay in mudadii uu ku guda jiray safarka dhulka ay indhahooda kusoo arkeen amni iyo shacab kuwanaagsan marti soorka.

Waxa uu Salaad Cali sheegay in socdaalkood dhulka uu hordhac u yahay rajada laga qabi karo dowladnimada Somalia oo gaarta heerkii laga sugaayay.

HOOS KA DAAWO HADDALKA UU DHUUSAMAREEB KA JEEDIYAY SALAAD CALI JEELE

The post Daawo: Salaad Cali Jeelle oo Khudbad ka qosolsiisay dadbadan ka jeediyay Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this